Ilaalinta Xogta
Ilaalinta Xogta — Hage Plus
Hage Plus waxay ka go'antahay ilaalinta xogta dugsiga iyo xaqiiqda ah in xogtaadu ay had iyo jeer ahaato lahaanshaha dugsiga, ma aha lahaanshaha Hage Plus.
1. Lahaanshaha Xogta
Dhammaan xogta ardayda, waalidiinta, macallimiinta, iyo lacagaha ee la geliyo Hage Plus waa lahaanshaha 100% ee dugsiga. Hage Plus ma sheeganayso wax lahaansho ah oo ku saabsan xogtan.
2. Xaqa Export-ka Xogta
Dugsigu wuxuu xaq u leeyahay inuu goor kasta codsado nuqul buuxa oo xogtiisa ah (Excel/CSV). Waxaan ballanqaadaysaa inaan xogta u soo diri karno muddo aan ka badnayn 7 maalmood oo shaqo ah laga bilaabo codsiga.
3. Wadaagida Xogta Dhinaca Saddexaad
Hage Plus kama iibiso, kuma wadaagto, kumana isticmaasho xogta dugsiga ujeeddo marketing ah oo dhinac saddexaad ah.
4. Amniga Teknoolajiyadeed
Xogta waxaa lagu ilaaliyaa encryption (HTTPS/SSL) intii lagu jiro gudbinta iyo kaydinta. Backup joogto ah ayaa la sameeyaa.
5. Xiritaanka Adeegga
Haddii dugsigu go'aansado inuu xiro adeegga, xogtiisa waxaa loo hayn doonaa 30 maalmood si loo suurtageliyo export-ka, kadibna waa la tirtiri doonaa.
Su'aalo?
hello@hageschool.cloud · WhatsApp: +252 61 102 3635
Fasax: Heshiiskan buuxa (oo la saxiixo) waxaad ka heli kartaa marka aad noqoto macmiil — bogga waa kaliya summary ammaan ah oo dadweynaha loo soo bandhigay.