Shuruudaha Adeegga
Shuruudaha Adeegga — Hage Plus
Taariikhda Cusbooneysiinta: Ogosto 2026
Aqbalaadda Shuruudaha
Isticmaalka Hage Plus wuxuu ka dhigan yahay in dugsigu aqbalay shuruudahan. Haddii aad diidan tahay qayb ka mid ah, fadlan naga soo hadal kahor inaad isticmaalayso adeegga.
1. Sharraxaada Adeegga
Hage Plus waa nidaam maamul dugsiyeed oo online ah, oo bixiya diiwaangelinta ardayda, lacag-bixinta, xaadirinta, imtixaanka, iyo Portal-yada Waalidka, Ardayga, iyo Macallinka.
2. Lacag-bixinta iyo Xubinnimada
Adeeggu waa mid la iska bixiyaa (subscription), lana bixiyaa Quarterly ama Annual, sida ku qeexan qandaraaska/pricing-ka la heshiiyay. Lacagta lama soo celin doono kadib marka bishu bilaabato, marka laga reebo xaalado gaar ah oo la isku raacay.
3. Lahaanshaha Xogta
Dhammaan xogta la geliyo Hage Plus (ardayda, lacagaha, xaadirinta) waa lahaanshaha 100% ee dugsiga. Faahfaahin dheeraad ah waxaa lagu qeexay Heshiiska Ilaalinta Xogta (Data Protection Agreement) oo gaar ah.
4. Waajibaadka Dugsiga
Dugsigu wuxuu mas'uul ka yahay sixnaanta xogta la geliyo, ammaanka password-yada staff-kiisa, iyo isticmaalka sharciga ah ee nidaamka.
5. Xayiraadda Mas'uuliyadda
Hage Plus ma mas'uul ka ihi khasaaraha ka dhasha isticmaal khaldan, xog gacanta lagu geliyay oo khaldan, ama joojinta adeegga interneetka.
6. Xiritaanka Adeegga
Dugsigu wuxuu goor kasta xaq u leeyahay inuu joojiyo adeegga. Xogtiisu waxaa loo hayn doonaa 30 maalmood si loo suurtageliyo export-ka, sida ku qeexan Heshiiska Ilaalinta Xogta.
7. Isbeddelka Shuruudaha
Hage Plus waxay xaq u leedahay inay isbeddesho shuruudahan — dugsiyada la wargelin doonaa 30 maalmood kahor isbeddel kasta oo weyn.
8. Xiriirka
Su'aalo ku saabsan shuruudahan, la xiriir:
Email: hello@hageschool.cloud
WhatsApp: +252 61 102 3635